Rajada dib loogu dooran karo madaxweyne Farmaajo oo sii yaraatay saacadihii u danbeeyay

Warar lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaya in saacadihii u danbeeyay ay garabka madaxweyne Farmaajo ka baxeen xildhibaannadii ugu badnaa oo uu ku xisaabtamayay dib u doorashadiisa.

Musharrax Farmaajo ayaa sida wararku sheegayaan lumiyay inta badan xildhibaannada laga soo doorto Koonfur Galbeed oo markii hore dhankiisa lagu tirinayay.

Xildhibaannada ka baxay garabka Farmaajo ayaa la sheegay in ay tan iyo xalay ku biireen dhinacyada musharrixiinta kala duwan ee ka horjeeda madaxweynaha mudda xileedkiisu dhammaaday.

Xogtu waxay intaas ku daraysa in xildhibaannada ka yaacay garabka Farmaajo ay kala aadeen musharrixiinta Xasan Shiikh Maxamuud Siciid Cabdullahi Deni iyo Shariif Shiikh Axmed.

Saadaasha soo baxaysa ayaa muujinaysa in ay yar tahay rajada dib loogu dooran karo madaxweyne Farmaajo kadib markii ay garabkiisa banneeyeen xildhibaannadii uu ku xisaabtamayay.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto maalinta berriya oo ku beegan 15 May oo ay hadda ka harsan yihiin wax ka yar 18 saacadood.

PUNTLAND POST