Magaalada Muqdisho oo bandow lagu soo rogay xilliga doorashada madaxweynaha

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in bandow lagu soo rogay magaalada Muqdisho laga bilaabo 9:00pm fiidnimo ee Caawa ilaa 6:00am subaxnimada Isniinta.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in mudadaas la xannibay dhammaan isu socodka magaalada Muqdisho maadaama la gelayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in la hakin doono dhammaan dadka iyo gaadiidka xilliga lagu jiro bandowga wuxuuna sheegay in haddii dadweynaha ay lasoo gudboonaadan xaalado deg-deg ah inay la soo xiriiri karaan booliska, si ay u caawiyaan.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda saacadihii ugu dambeeyay ee ololaha doorashada madaxweynaha waxaana lagu wadaa in doorashadu qabsoonto maalinta berriya oo ku beegan 15 May 2022.

Halkaan ka daawo Muuqaalka Af-hayeenka

PUNTLAND POST