Dadkii Laascaanood laga barakiciyay magdhaw ayay xaq u leeyihiin

Liibaan Axmad

Markii uu booqanayay Maraykanka dhowr toddobaad ka hor wuxuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sheegay in dhibta ugu weyn oo ay gumeystayaashu geysteen ahayd in dadka Afrika la kala qaybiyay oo qaarkood lagu kala daray dhulal kala duwan. Inkastoo heshiiskii 1884kii Berlin ka dhacay uu aad u saameeyay Soomaaalida, saamaynta ugu xun wuxuu ku yeeshay reer Waqooyiga oo dhulkoodu ahaa maxmiyad Biritishku xukumayay, kaddibna qeyb ka mid ah dhulka maxmiyadda si sharci-darro ah uu ugu daray Itoobiya 1954kii, halkaas oo Soomaaalidi dhulkaas ku nool ay u noqotay dadkii ugu horreeyay oo uu gumeyste ku wareejiyo gumeyste kale.

Isla taariikhdaas ay reer Yurub Soomaalida ku kala qeybsadeen ayuu maamulka Somaliland u adeegsaday inuu dad Soomaaliyeed si qasab ah uga barakiciyo dhulkooda. Qaramada Midoobay waxay ku tilmaantay falkaas barakici qasab ah (forced displacement), oo ah dambi hoostaga dambiyada aadamiga laga galo.  Dhowr iyo lixdankii sano ay Soomaaliya madaxbannaan taahay waa markii ugu kowaad oo fal hoostaga dambiyada aadanaha laga galo lagu suntay Soomaaliya. Falka noocaas oo kale ah marka uu dhaco, lama eego sababaha, waxaa la eegaa cidda falkaas go’aamisay, iyo kuwa fuliyay (laga billaabo Madaxweyne ilaa xildhibaan).  

Madaxweyne Muuse Biixi xil ayaa ka saaran dhowrista xaqa deggenaansho ee qofka Soomaaliyeed waayo Soomaaliya waa hal dal siyaasad iyo dhul ahaan.

Dad ka badan 1,700 oo qof ayuu maamulka Somaliland si qasab ah uga barakiciyay Laascaanood.  In ka badan 1000 qof waxay ahaayeen ganacsato ku sugnaa gobolka isku celcelis ahaan 20 sano.  Barakixinta qasabka ahayd waxay hanti-beel ku ridday dadkii muddo dheer hanti abuurrista iyo koboca dhaqaalaha Laascaanood kaalin weyn ku lahaa. In maanta laga hadlo yabooh u ururinta Soomaalida  ku tabaalowday dabkii Suuqa Waaheen ee Hargeysa, laakiin aan laga hadlin magdhawga Soomaalida Laascannod laga barakciiyay waa wax muujinaya in la kala sarraynsiinayo dhibbanayaasha Soomaaliyeed.  Ugu yaraan kun qof oo ganacsato ku ahaa Laascannod, kama xuquuq-yara kun qof oo uu dabkii suuqa Waaheen uu hanti-tiray.

Madaxweyne Muuse Buuxu wuxuu ku tilmaamay dhibbanaaysha sida qasabka ah Laascanood looga barakiciyay dad “aan u dhalan Somaliland”. Laba jeerba Madaxweyne Buuxi wuu jabiyay sharciga. 1- Soomaaliya weli waa hal dal oo midnimadiisa dhuleed iyo siyaasadeed waa mid: hal madaxweyne iyo dhul xudduudahiisu dhowrsan yihiin. Qofka Soomaaliyeed meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah xaq buu u leeyahay inuu ku noolaado. Qofka ku baaqa barakicin qasab ah wuxuu jebinayaa xaq qofka Soomaaliyeed meel uu joogaba. 2- Shirkii Dastuurriga ee Maxmiyadda Soomaaliyeed ee Birtishka (British Somaliland Protectorate) qabsoomay Bishii Maajo 1960kii wuxuu u qeexay qofka Soomaaliga sidan: “qof af Soomaali ku hadla, haystana dhaqanka Soomaalida”. Taas macnaheedu waa odayaashii Soomaaliyeed way ogaayeen in Soomaalidu aysan dooran in la kala qeybiyo, waa arrinta uu sida cad 1953kii u dul istaagay Muuse Galaal markuu warqad ugu jawaabay Cali Garaad Jaamac oo fikrad ka dhiibtay qorista af Soomaaliga xilligaas.  Looma kala saarin Soomaalida beelo heshiis la galay Imbaradooriyaddii iyo beelo aan la galin Heshiiskaa waxaa la xusay markii hoggaamiyeyaashii siyaasadeed ee Waqooyigu saxiixayeen heshiiskii Madaxbannaanida, waana sababka uu Cali Garaad Jaamac u oggolaaday saxiixa heshiiska madaxbannaanida sheegayay in heshiiskii ilaalinta lala galay beelaha Soomaaliyeed uu soo gabagaboobayo 26ka Juunyo 1960ka, inkastoo Cali Garaad beeshiisu ka mid ahayn beelaha heshiiska ilaalintu u soo gabagaboobay.

Qaar ka mid ah dadkii maamulka Somaliland sida qasabka ah uga soo barakiciyay Laascaanood 2021kii.

Waxaa shirka dastuuriga ka horreeyay shirkii Soomaaliweyn 1959kii Muqdisho ka dhacay oo uu Ra’iisal Wasaare Cabdullaahi Ciise Maxamuud guddoomiyay, kagana dhawaaqay inta dhulka Soomaalidu degto le’eg yahay. Wuxuu sheegay in Soomaalidu degto dhul aan aad uga fogeyn Addis Ababa.  Hadalkisii argagax ayuu ku riday Xayle Salaase oo 1954kii dhul Soomaaliyeed si sharci-darro loogu wareejiyay. Hadalka Cabdullaahi Ciise wuxuu difaacayay xaqa Soomaalidu u leedahay in dhulkeeda aan lagu darin dal kale.  Cabdullaahi Ciise wuu kala hadlay Madaweynihii Marayknaka Dwight Eisenhower xuquuqda siyaasadeed ee Soomaalida markay 1958kii ku kulmeen New York.

Maan u diidi karo qof Soomaaliyeed xaqa uu ugu noolaan karo Laascaanod ama magaalo kale oo Soomaaliyeed.  Haddii aan iski dayo inaan difaaco go’aanka barakicinta qasabka ah waxaan galayaa dambi sidoo kale waxaan dambi ka galayaa naftayda. Qofka Garoowe , Gaalkacyo, Cadaado, Xamar, Afgooye Baydhabo ama magaalo kale Soomaaliyeed ka yimid wuxuu leeyahay xaq la mid ah xaqa qofka aabihiis ama awowiis uu Laascaanood ku dhashay waayo maan cuskan karo xuduudo gumeystayaashii sameeyeen. Marka dalalka Soomaaliya deriska la ah laga hadlayo uunbaa xuduudo gumeyste ka tagay laga hadli karaa. Laascanood ma aha  dhulkii Haud and Reserve oo Itoobiya si sharcidarro ah loogu daray 68 sano ka hor. Waxay ka mid tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed. Waa sababta ay sharcidarro u  tahay barakicintii qasabka ahayd ka dhacday Laascaanood 2021kii, waana sababta uu u saaran yahay Madaxweyne Muuse Biixi waajibaadka 1- Bixinta magdhawga Soomaaalidii Laascanood laga barakiciyay, 2- Inuu caddeeyo inuu dhowrayo xaqa deggenaansho ee qofka Soomaaliyeed meel kasta oo uu dhulkiisa hooyo ka joogo.

Ra’iisal Wasaare Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo 1958kii New York kula kulmay madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas Dwight David Eisenhower.

Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) wuu ka horyimid go’aankii maamulka Somaliland ku barakiciyay dad Soomaaliyeed, kuna tilmaamay ciqaab wadareed. Sidoo kale barakicinta qasabka ahayd waxay jabisay qodob ka mid ah dastuurka maamulka Somalland, ku saabsan dhowrista xaqa hantida gaarka ah.

Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi inuu saxo dhibaatadii ka dhalatay go’aankii uu dad Soomaaliyeed uga barakiciyay Laascaanood. Danta Soomaalida ayaa ku jirta in gaboodfalkaas dhacay la xalliyo si mar dambe aysan u dhicin in siyaasi uu u diido qof Soomaaliyeed xaqa ugu noolaan karo qeyb ka mid ah dhulkiisa.  Meel-ka-dhac ayay Soomaalidu ku noqon doontaa haddii aynu u ekaanno dad isu haya sooyaal gumeyste oo ay dhib naga soo wada gaartay. Waxaa deris nala ah dal ku faana in Menelek Afrika ka difaacayay gumeysigii reer Yurub. Soomaalidi isuma qeybin karto sidii gumeystuhu u kala qeybsaday iyaga kaddib shirkii Berlin ee 1884kii.

Eeddu ma saarna Puntland oo qabqablayaasha xakamayn la’ ama hoggaamiyayaasha Laascaanood inay uga mid yihiim gollaha wakiilllada Somaliland sheegta. Eeddu ilaa hadda waxay saaran tahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo dowladda federaalka oo qodob sharcidarro (isu socodka) ku dartay wadahadalladii 2019kii ku dhexmaray dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland. Xaqa dadka Laascaanood sida qasabka looga barakiciyay kama duwana xaqa dadka dhibaatadu ka soo gaartay dabkii suuqa Waaheen. Waa in maamulka Somaliland uu magdhaw bixiyo waayo boob iyo barakicin qasab ah waa dambi la isku maxkamadeeyo.

Liibaan Axmad

libahm@gmail.com