Dhiibistii Qalbidhagax oo dhimbil siyaasadeed noqotay

Ra’iisal Wasaare Rooble oo Qalbidhagax Muqdisho ku guddoonsiinaya abaalmarin.

Muqdisho (Wararka PP) — Cabdikariim Qalbidhagax oo in ka abadan afar sano ka hor Muqdisho laga qaaday si loogu wareejiyo dowladda Itoobiya ayaa shalay si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Muqdisho. Dhowaan Golaha Wasiirrada Soomaaliya wuxuu raalligelin ka bixiyay go’aankii dowladda federaalku muwaaddin Soomaaliyeed ugu dhiibtay Itoobiya 2017kii, xilligii taliskii TPLF uu sii luminayay ku awood-sheegashada (hegemony) Geeska Afrika.

Qalbidhagax wuxuu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Xali Khayre, oo labaddaba murrashixiin kala ah, inaysan ku habbooneyn inay Soomaaliya hoggaamiyaan. Waxaa soo baxaya faahfaahinno ku saabsan sidii golihii wasiirrada ee Khayre u qaatay go’aankii dhiibista Qalbidhagax. Khadra Ducaale oo Wasiirkii Ganacsiga ahayd ayaa si kooban dadka ula wadaagtay habkii wasiirradu ugu codeeyeen go’aankii muwaadin Soomaaliyeed loogu gacan-galiyay Itoobiya.

“Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shir gaar ah oo golaha wasiirradu yeeshay.. oo wuxuu madasha shirka keenay qoraallo been-abuur ah oo ku tilmaamayay Qalbidhagax Khaa’inul waddan. Xubnaha golaha wasiirrada ayaa qoraallada la siiyay, sidaas baannuna badankeen ugu codeynay go’aanka kalsooni aannu ka haysannay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Khayre awgeed” ayay Khadra ku qortay boggeeda Twitterka.

Sida Laanta af Soomaaliga ee BBC wax uga qortay dhiibistii Qalbidhagax.

Su’aalaha la isweyddiinayo waxaa ka mid ah: Yaa soo uruiyay xogta loo adeegsaday in Qalbidhagax lagu tilmaamo Khaa’inul Waddan? Maxmed Cali Sanbaloolshe oo hadda ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose, ayaa ahaa Taliyihii Nabadsugidda Soomaaliya (NISA). Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo mar la waraystay wuxuu sheegay in Sanbaloolshe aad ugu dhiirrannaa dhiibista Qalbidhagax.

Khadra Ducaale, oo Wasiirkii Ganacsiga ahayd, ayaa faahfaahisay sida xubnihii Golahii Wasiirrada ee Xasan Cali Khayre ugu codeeyeen go’aankii Qalbidhagax loogu gacangeliyay Itoobiya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday go’aanka dhiibista Qalbidhagax iyo ku tilmaamidda ONLF urur argagixiso. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo marnaba kama hadlin sida uu arko in qof Soomaaliyeed loo dhiibo dal kale, dalkaas oo aynan xitaa la lahayn isu dhiibista dadka dambiyada galay. “TPLF ilaa sharaabadada ayay na socotay. Talis aad u fool xun oo ku kacay wax aysan Amxaaradu ku fekerin ayuu ahaa. Dhiibistii Qalbidhagax iyo isku daygii Seyoium Mesfin in qaybo ka mid ah Soomaaliya laga dhigi meelo diyaaradaha ka caaggan ayaa ah laba tusaale oo ku saabsan maangaabnimada hoggaamineed ee taliskii TPLF” ayu yiri Maxamuud Cali, oo xubin ka ahaa jabhaddii xoreynta Soomaali Galbeed.

Taageerayaasha Khayre iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ku doodaya in Qalbidhagax laga dhigtay hub siyaasadeed xilli doorasho ay socoto. “Waxa laga hadlayo waa xaq qof Soomaaliyeed oo dadkii dhiibbay ay doonayaan inay dalka hoggaamiyaan, qaarna hadda sharci-dejiyayaal ka tirsan labada aqal yihiin” ayuu Maxamuud kaga jawaabay eedeeynta in Qalbidhagax noqday olole siyaasadeed.

© Puntland Post, 2022