Hadal-jeedinta musharrixiinta madaxweynaha oo maanta la soo geba-gabeeyay

Waxaa soo gaba gaboowday hadal jeedinta murashaxiinta xilka madaxweynaha 10 aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo laba maalin ah ka socotay hoolka Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha ayaa sheegay in la soo gunaanaday hadal jeedinta Musharaxiinta madaxweynaha, 39 murashaxna ay soo bandhigeen qudbadahoodi hadal jeedinta.

Gaba-gaBadii waxaa goobta lagu dhaariyay Murashax Sharief Sheikh Axmed oo ku soo guuleestay kursiga tirsigiisu yahay HOP#146 ee BFS oo doorashadiisa ka qabsoontay Magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Doorashada madaxweynaha ayaa la qabandoonaa 15 May oo ku beegan maalinimada Axada nagu soo aadan.

PUNTLAND POST