Musharaxiinta maanta khudbadaha ka horjeediyay baarlamaanka labada aqal ee Soomaaliya, waxaa ka mid ah madaxweyneyaashii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Saddexdan musharax ayaa mid walba doonaa in uu noqdo ninkii ugu horreeyay oo labo jeer madaxweyne ka noqda dalka Soomaaliya.
Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhacaysa maalinta axadda ee todobaadka dambe oo ku beegan 15 bishan Maajo, waxaana ka qaybgelaya 39 musharax.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.