Mas’uul ka tirsan gobolka Banaadir oo badbaaday qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Guddoomiyaha degmada Warta-nabada ee gobolka Banaadir Seynab Maxamuud Warsame (Xaabsey) ayaa ka badbaaday qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyay bar kantarool oo ku dhow Hotelka Afrik ee Muqdisho, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Nabadsugidda oo ilaaliya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Guddoomiye Seynab Xaabsey ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda Facebook ku sheegtay in ay ka badbaaday weerarkaas, hase ahaatee dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay askar la socotay.

“Alhamdulilah ilaahey ha unaxariisto askarteeni inta dhawacana allaha noo caafiyo waa nabad qabnaa Alhamdulilah” ayay tiri Guddoomiye Seynab.

Ma cadda in weerarka bartilmaameedkiisu ahaa Guddoomiye Saynab.

Saynab Xaabsey ayaa ka mid ahayd mas’uuliyiintii ka badbaaday weerarkii 24-kii July 2019 ka dhacay guriga dawladda Hoose ee Muqdishu oo lagu dilay Duqii Muqdisho iyo siddeed qof oo kale.

Qaraxa maanta ka dhacay Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo ammaanka magaalada aad loo adkeeyay, ayna socota hadal jeedinta qaar ka mid ah musharaxiinta u tartamaya doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST