Hay’adda PMPF oo sheegtay in ay deeq raashin ah gaarsiisay shacabka degaanka Galgala

Hay’adda ciidanka badda Puntland ee PMPF ayaa sheegtay in ay deeq raashin ah oo dhammaystiran gaarsiisay shacabka degaanka Galgala ee Gobolka Bari.

Hay’addu faahfaahin kama bixin noocyada raashinka ay gaarsiisay bulshada ku nool degaanka Galgala balse waxay tilmaantay in ay sii wadi doonto gurmadka.

“Ciidamada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF ayaa Abaarta iyo wakhtiga adag ee lagu jiro dartiis taageero Raashin dhammaystiran gaarsiiyey shacabka deegaanka Galgala” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay PMPF.

Hay’adda ayaa sheegtay in ciidanka badda Puntland ay garab taagan yihiin shacabkooda xaalad kasta oo ay ku jiraan mid amni iyo mid nololeedba.

PUNTLAND POST