
Teendhada Afisyooni ayaa lagu wadaa in ay maanta ka qabsoonto munaasabadda hadal-jeedinta qaybta kowaad ee Musharaxiinta u tartamaya Madaxweynaha Soomaaliya
Maalinta kowaad ee hadal-jeedinta Musharrixiinta waxa ku qoran ilaa 20 Musharrax sida ku cad jadwalka hadal-jeedinta ee uu soo saaray guddiga doorashada Madaxweynaha.
Xarunta Teendhada Afisyooni waxaa ku sii wajahan xubnaha Musharaxiinta ee Maanta ku qoran khudbadaha,waxana Aad loo adkeeyay Amniga goobta ay hadal jeedintu ka dhaceyso taas oo Amnigeeda ay sugayaan ciidamada nabad Ilaalinta ee ATMIS.
Shalay ayay ahayd markii Guddiga ay soo gaba-gabeyeen Diiwaan gelinta Musharaxiinta u tartamayo doorashada Madaxweynaha Jamhuuridda Soomaaliya,iyadoo ay is diiwaangeliyeen 39-Musharaxa oo u taagan qabashada xilkaas.
Doorashada Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dhacdo 15 May 2022 oo ku beegan maalinta Axadda ee soo socoto.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.