Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in aan weli la dhaarin wasiiro uu dhowaan magacaabay madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa maanta ku amray guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari Abukar Cabdinuur Jaamac in uu dhaariyo labada kamid ah wasiirada magacaaban balse gudoomiyaha ayaa ka cudur-daartay hawshaas.
Guddoomiyaha maxkamadda sare Axmed Maxamed Yuusuf Taaran oo la wacay ayaa isna sida la sheegayo taleefonka ka jawaabi waayay.
Guddoomiye Taaran ayaa xiriir dhow la leh wasiir Xasan Abgaal oo kamid ah mas’uuliyiinta uu xilka qaadista ku sameeyay madaxweyne ku xigeenka Puntland.
PUNTLAND POST