
Madaxweynaha waddanka Syria Bashar Al-assad oo booqday dalka Iran ayaa kulan gaar ah la yeeshay hoggaamiyaha sare ee dalkaas Ayatollaha Ali Khamenei.
Kulanka labada hoggaamiye ayaa lagu xaqiijiyay xoojinta iskaashiga adag ee u dhexeeya labada waddan sida laga soo xigtay warbaahinta Iran.
Madaxweyne Assad ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi sida ay sheegtay wakaaladda wararka IRNA ee dalkaas Iran.
Taliska Bashar Al-assad ayaa xiriir dhow la leh dowladda Iran oo taageero weyn siisay markii la isku dayay in kacdoon dadweyne xilla looga tuuro sannadkii 2011.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.