Xubnaha isku -dhafka ah ee guddiga doorashada ayaa soo saaray habraaca doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddiga ayaa go’aamiyay in amniga Teendhada Afisyooni ee lagu qabanayo doorashada Madaxweynaha lagu wareejiyo ciidamada ATMIS.
Sidoo kale rabraaca ayaa lagu sheegay in gudaha Teendhada loo oggol yahay 22 askari oo boolis ah, kuwaas oo la shaqeynaya guddiga Pratacol-ka.
Musharaxa xilka Madaxweynaha JFS ee haatan xilka haya (Madaxweyne Farmaajo) ayaa habraacu dhigayaa in loo oggol yahay in uu hoolka la soo galo kaliya saddex qof oo kala ah; askariga astaanta calanka, madaxa hab-maamuska iyo qof u tiriya codadka.
Sidoo kale musharaxiinta ah madaxweynayaal hore waxaa rabraacu u oggol yahay in ay hoolka la soo galaan 2 qof oo kala ah hal qof hab-mamus ah iyo qofka oo codadka u tiriya.
Dhammaan musharaxinta kale ee u tartamaya xilka Madaxweynaha JFS waxaa loo oggol yahay in musharax walba uu gudaha hoolka Yeendhada la soo gali karo hal qof oo codadka u tiriya.
Musharaxiinta ayaaa ciidanka hubeysan ee la socda kusoo reebi dooma albaabka Madina Gate, halkaas loogu diyaariyay gawaari V.l.P ah oo ka soo qaadeysa musharaxa iyo inta qof ee loo oggol yahay.
Hoos akhriso habraaca oo dhameystiran
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.