Soddon sano oo aan la aqoon meel lagu sheego, ma adduun mise?! Waxaase taariikh noqday oo laga sheekeyn doonaa, lagana yaabo mustaqbalka in laga faano wax Xil-DHibaan la yiraahdo in la doonto, waayo nin u soo joogay dhaqankii Barlamankii 10aad, waliba DHAQANKII guddoomiyihii Baarlamankaas Max’ed Mursal SHiikh Cabdi-Raxmaan, ee xishood la’aanta ahaa, ee laaluushka iyo baryada shisheeyaha lagu xaragoonayay, nin dhaqanka xil-dhibaannadii baarlamanka 10aad iyo guddoomiyahoodii soo arkay oo Xil-DHibaanimo raadsaday baa waxay ahayd ceeb! CEEB?!…Ceeb, waaba laga soo gudbay, oo Xil-DHibaanimmadii dad baa qaatay, oo barlamankii 11aad baa la soo doortay, balse ma ka fekertay Max’ed Mursal muxuu xil- dhibaanimmada u soo doontay?! Ma waxay la tahay in dadka Soomaaliyeed u xiiso qabaan?! Ma waxay la tahay inuu dadka Soomaaliyeed abaal gashtay?! Mise aamusnaanta dad-weynaha loo garbo-duubay buu mooday inaysan wali fahmin qofka uu yahay?! Dawaco Meesheey Macal Ku Barato Bay Macluul Ugu Baqtisaa!…Ma laga yaabaa in guddiga anshaxa baarlamanka ay dib-u-fiirin ku sameeyaan denbiyadii iyo dhagarihii uu galay guddomiyihii hore ee baarlamanka Max’ed Mursal SHiikh Cabdi-Raxmaan oo markaas ay ka xayuubiyaan xasaanadda uusan u qalmin ee uu huwanyahay, mase laga yaabaa in xubno xil-dhibaano ah oo is xilqaamay ay mooshin ka keenaan xubinimmadiisa iyagoo u hiilinaya dadka iyo dalkooda?!….
Waxaa in badan oo mujtamaca weynaha Soomaaliyeed ah aad ugu faraxsanyihiin in guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka 11aad Aadan Max’ed Nuur (Aadan-Madoobe) uu yahay shakhsi waayo araga aadna xog-ogaal ugu ah arrimaha siyaasadeed ee dalka ka jiray 30kii sano ee la soo dhaafay, iyadoo waliba dadka aqoonta u leh ay ku tilmaamaan inuu yahay shakhsi ku adag ilaalinta qawaaniinta u taala dalka. Waxaa iydana aad loo soo dhoweeyay go’aankii ay guddoonka baarlamanka 11aad ugu aqoonsadeen 16kii xil-dhibaan ee lagu soo doortay degmmada Ceel-Waaq inay iyaga yihiin wakiillada gobolka Gedo u fadhiya golaha shacabka, taasoo runtii ahayd farriin iyo caddeyn muujinaysa in loo hiiliyay dastuurkii ummaddu dhigatay isla markaasna la galay Waa Cusub!…
Lacag (laaluush); Waa iga weydiinee baarlamanka 11aad ma dareensanyahay mase ku baraarugsanyahay khataraha uu soo maray ama uu wali wajahayo dalka ee ka dhashay laaluushka dalalka shisheeyaha ah (carabaha) siiba Qatar ay ku bixiyeen baarlamankii 10aad iyagoo aamusiinaya ama dano guracan ka qunsanaya?!…Lacag sideedaba waa hub!…Waa hub wax dila, waxaana garan kara midka lagu laaluushay ee isagoo Maya dhihi lahaa ay ka yeersiisay Haa!! Waa hub wax dila, waxaa wax yeeladeeda yaqaan midka lagu duleystay ee dadnimmadiisa intay gaasirtay aan waxba diiidi kareyn! Waa hub wax dila, waxaana garan mid xaq uu lahaa inta laga duudsiyay kii lacagta laga qaatay laga siiyay! Waa hub wax dila waxaana garan kara dadka Soomaaliyeed ee Guddoomiyihii ay aamineen ee Maxamed Mursal SHiikh Cabdi-Raxmaan iyo xil-dhibaannadii baarlamankii 10aad ay asaagood u duleeyeen!…ay Farmaajo u duleeyeen!…oo waliba kaaga daranee iyagoo soo fadh-fadhiya cadowgii Soomaaliyeed ee Itoobiya uu Farmaajo dalkii u saxiixay!…oo midiba midda kale ka daranee kheyraadkii dhulka ku jiray oo dhan shirkado aan la aqoon qallinka loogu duugay! KHatartaas waa khatar wali taagan, waana khatar la doonayo inay ka daba tagaan oo ay buriyaan Guddoomiyaha baarlamanka 11aad Aadam Max’ed Nuur iyo xil-dhibaannada golaha shacabka ee baarlamanka 11aad!
Xil-DHibaannada baarlamanka 11aad, waa shaki la’aan inay ka war qabaan dalka khatarta uu galay shantii sano ee la soo dhaafay, indhahooda waxay ku arkayeen dalkoodii oo gaaray heer lagu falanqeeyo arrimihiisa baarlamaannada dalalka shisheeyaha ah, siiba Itoobiya! Ma wax dhici karayaa ama ay dadka Sooaaliyeed qaadan karaan baa?!… Waxay arkayeen madax-weynihii, ra’iisal-wazaarihii, iyo golihii waziirrada oo muwaadhiniin Soomaaliyeed u hadiyeynaya cadowgii ummadda Soomaaliyeed!…Waxay arkayeen dalalkii shisheeyaha ahaa oo gorgorinaya qiimaha xil-dhibaanka si ay u go’aamiyaan mustaqbalka ilmaha Soomaaliyeed! …Waxay arkayeen dalalkii Carabta ee carabnimmadu ka dhexeysay oo xoolahoodii ku bixinaya sidii ay u dumin lahaayeen ummadnimadooda, qaranimadooda iyo guud ahaanba jiritaankooda!…Waxay marqaati u ahaayeen in ilamahoodii Eritrea iyo Itoobiya loo hadiyeeyay si ay ugu dagaalaan Isias Afawerke iyo Abiy Axmed ilaa maantadan la jooogana aan raq iyo ruux meelna lagu sheegin!…. Waxay arkayeen ciiidammada Itoobiya oo si kibir ku jira u soo ridaya diyaaradihii dalka gudihiisa isaga gooshayay!
Waxay arkayeen Soomaaliya oo dhan oo inta magaceedii khariidadda adduunka ay dowladda Itoobiya ka tirtay oo ay dalkeeda ku darsatay, oo madax-weyne Max’ed Cabdullaahi Farmaajo uu isna kaga jawaabay inuu geedo ku talaalo xafiiska Abiy Axmed ee Addis Ababa! Waxay arkayeen madax-weyne Max’ed Cabdullaahi Farmaajo oo u dhuumaaleysanaya dalalka Eritrea iyo Itoobiya isagoo keligii ah oo uusan mas’uul kale la socon oo hadana soo noqonaya isagoo heshiisyo aysan cidina la ogeyn soo saxiixay ilaa maantadaan la joogana qarsoodi u ah isaga iyo Itoobiya iyo Eritrea! DHammaan arrimahaas waa marka qaynuunkii Soomaaliyeed ee jiray ama hadda lagu cabbiro waa KHayaano Qaran! DHammaan ceebahaas waxaa daboolay oo shacabkii ka qariyay oo mar keliya soo hadal qaadin xil-dhibaannadii KHaa’inul-Wadhanka ahaa ee baarlamankii 10aad ee guddoomiyaha u ahaa Max’ed Mursal SHiikh Cabdi-Raxmaan, marka laga reebo in yar oo fulayo ahaa oo malaha naftooda u cabsaday!! Waxaana intaas oo dhan ka sii daran Max’ed Mursal inuu maanta Xil-DHibaan Golaha SHacabka ka tirsan yahay Max’ed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Cali KHeyre iyagunaa yahiin murashax madax-weyne taasoo iyada lafteeda meel ka dhac ku ah magaca dowladnimmada Soomaaliya.
KHatarahaas wali waa taaganyihiin waana jiraan, Maxaa la gudboon Xil-DHibaannada Baarlamaanka 11aad?!… jawaabtu waa iska cadddahay qof kastana waa yaqaanaa, ma aha wax cusub oo la raadinayo, oo maxay tahayna?! Waa inaysan LAALUUSH QAADAN! Waa inaysan LAALUUSH QAADAN! Waa inaysan LAALUUSH QAADAN! Xil-DHibaannada Baarlamanka 11AAD, sida ay hawshooda ku bilaabeen waxay soo nooleysay rajada dowladnimo ee shacabka Soomaaliyeed, waxayna kor u qaadday yididiiladii ka soo bilaabatay guddigii doorashada ee uu guddoomiyaha u ahaa Muuse Geelle Yuusuf, guddoomiyihii ku meel gaarka ee Golaha SHacabka Cabdi-Salaam X. Axmed (DHaban-Cad) iyo guud ahaan xil-dhibaannada maanta wakiilka ka ah shacabka Soomaaliyeed! Guulahaas ma ahayn kuwo iska yimid laakiin waxay ku yimaadeen in raggaas iyo guud ahaan xil-dhibaannada baarlamanka 11aad ay dareemeen kana turjumeen xanuunka iyo dhaawaca soo gaaray hankii dadka Soomaaliyeed, kuwaasoo dowladnimadoodii iyo sharaftoodii ay iibsadeen Max’ed Mursal SHiikh Cabdi-Raxmaan iyo xil-dhibaannadii uu guddoomiyaha u ahaa ee baarlamankii 10aad intoodii badneyd (macnaha in ku dhow 95%), waxayna shacabka rajo aad u weyn ka qabaan in Xil-DHibaannada Baaralamanka 11aad ay wax ka qaban doonaan hagardaamooyinkii soo gaaray isla markaasna dib u soo yegleeli doonaan qaranimmadii ka burburtay. SHaki kuma jiro Xil-DHibaannada Baarlamanka 11aad haddii aysan laaluush qaadanin ay si aad u fudud khataraha aan ka soo sheekeeynay dalka uga saari karaan. Waxaa iyadana xusid mudan in durba ay dib u soo noolaatay himmiladdii qaranimo ee dadka Soomaaliyeed waxa la hadal hayaana ay tahay inay ifafaalo wanaagsan soo bidhaantay.
Guddoomiye Aadan Max’ed Nuur, iyo guud ahaan Xil-DHibaannada golaha shacabka waxaa hor yaala hawlo adag oo u baahan in si geesinimo ah khatartooda loogu bareero, taasoo aan la’aanteed dalka uusan ka baxeyn dhibaatada iyo nooca dowladnimmada maqaar-saarka ah ee muddadii 30ka sano ahayd ee la soo dhaafay ku soo jiray…waa marka hore waa in goluhu ay tusaan dalalka deriska ah inay yihiin dal dowladdiisu u gaar tahay oo Soomaali ah, isla markaasna aan looga talin dalal shisheeye, isla markaasna ay ku shaqeeyaan waayo aragnimmada laga bartay fara gelinta shisheeyuhu ku hayay arrimaha u gaarka ah dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda. Waxaa sidaasoo kale hor yaala inay dib u fiiriyaan dhacdooyinka aan kor ku soo sheegnay isla markaasna ay ka daba tagaan wixii laga dabo tegi karo oo ay xal waafi ka gaaraan iyaga iyo xukuumadda imaan doonta. Waxaa iyadana talo wanaagsan oo golaha la gudboon ah inay soo saaraan sharci jideynaya in madaxda xilka ka degeysa aysan dalka ka bixi kareyn ilaa iyo inta laga xaqiijinayo inaysan Gabood-Fal iyo Tagri-Fal midna ku kicin!
Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan
You must be logged in to post a comment.