Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday musharaxii ugu horreeyay ee qaatay shahaadada musharraxnimo ee xilka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga isku-dhafka ah ee qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Senator Cabdiqani Geelle Maxmed ayaa Sheekh Shariif guddooonsiiyay shahaadada musharaxnimo, kadib markii uu buuxiyay shuruudihii laga rabay.
Diiwaangelinta musharaxiinta oo maanta bilaamatay waxay ku egtahay maalinta talaadada oo ku beegan 10 Maajo, halka musharaxiintu khudbadooda ka hor jeedin doonaan baarlamaanka 11 iyo 12 bishan Maajo.
Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhici doonta 15-ka basihan Maajo 2022, sid ay horay u shaaciyeen Guddiga Doorashada.
Doorashadan waxaa u taagan in ka badan 20 musharax oo ay ku jiraan Madaxweyneyaal iyo Ra’iisul wasaareyaal hore oo doonaya in ay xilka kala wareegaan Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.