Go’aan laga gaaray xildhibaanada Gedo

Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaanada lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ay yihiin kuwa sharci ahaan ku matala gobolka Gedo baarlamaanka 11-aad.

Qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka ayaa lagu yiri “Guddoonka Goluhu wuxuu isla gartay in xildhibaannada lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ay yihiin kuwa sharci ahaan ku matala gobolka Gedo baarlamaanka 11-aad, maadaama Madaxweynaha Jubaland uu furay doorashada, habraaca doorashadoodana ay qabteen guddiga hirgelinta doorashada dadban ee heer dowlad goboleed, shahaadada rasmiga ah ee xildhibaannada ay siiyeen guddiga hirgelinta doorashada dadban ee heer federaal, uuna taageeray Ra’iisul Waaaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ah madaxa doorashada dadban ee 2021/2022, sidaa darteed aanay jirin meel laga duro habraaca xildhibaanada lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo”.

Golaha Shacabka ee Baarlamaaka Soomaaliya wuxuu kula taliyay dadka gobolka Gedo in ay khilaafkooda wadahadal ku dhameystaan, maadaama ay doorashadii dhamaatay.

PUNTLAND POST