Dumarkii iyo caruurtii oo laga soo wada saaray magaalada Mariupol ee dalka Ukraine

Dhammaan dumarkii, caruurtii iyo dadkii da’da ahaa ayaa laga daad gureeyey warshadda birta ee magaalada Mariupol oo ay in muddo ah ku hareersanaayeen ciidamada Ruushku.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, warshadda Azovstal oo xiligii Soofiyeetka ka soo hartay ayaa ahayd meeshii ugu dambeysay ee ciidanka Ukraine ay kaga hareen magaalada Mariupol.

Iryna Vereshchuk, kuxigeenka RW-aha ee Ukraine ayaa fariin ay qortay boggeeda Telegramka waxay ku tiri “Hawlgalka bani’aadanimimo ee qeybtan magaalada Maruiopol wuu soo idlaaday.

Qaramada Midoobay iyo Hay’adda Laanqeyrta Cas oo hormood ka ah dadaalada badbaadada ayaanan iyagu xaqiijinin in hawlgalkii soo afjarmay.

PUNTLAND POST