
Magaalada Muqdisho waxaa goor dhow ka bilaabanaya diiwaangelinta iyo lacag qabashada musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Guddiga isku-dhafka ah ah ee qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ka kooban 17 Xubnood ayaa xarun diiwaangelin ku leh xarunta Aqalka sare, iyagoo soo bandhigay shuruudaha laga rabo musharraxa Madaxweynaha Soomaaliya.
Diiwaangelinta musharrixiinta Madaxweynaha ayaa socon doonta ilaa 10 Bishaan, waxaana xilka madaxweynaha u tartamaya musharaxiin badan oo hami kaga jiro xilka ugu sarreeya dalka.
15 Bishaan ayaa loo asteeyay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sida ay guddiga doorashada horay u shaaciyeen.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.