Guddiga isku-dhafka ah ee qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray habraaca diiwaangelinta musharaxiinta.
Habraaca diiwaangelinta musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ka kooban 9 qodob oo kala ah:
1. Warqadda aqoonsiga (ID ama Baasaboor)
2. Warqada codsiga musharaxnimo
3. Warqadda soo jeedinta musharaxa (Musharaxa waxaa laga rabaa ugu yaraan 20 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah ama tirada guud ee Sanatarada laga soo doorto hal Dowlad Goboleed in ay soo jeediyaan in uu u qalmo xilka Madaxweynaha Soomaaliya).
4. Warqadda caddeynta buuxinta shuruudaha musharxnimo.
5. 400 nuqul oo barnaamijkiisa doorasho oo daabacan iyo nuqul elektoroonik ah ka hor maalinta hadaljeedinta.
6. Taariikh nololeedkiisa (CV)
7. Labo sawir oo teesaro ah
8. Warqadda caddeynta lacag qabashada.
9. Warqadda aqbalaadda iyo u hogaasamida habraacyada iyo natiijada doorashada.
Diiwaangelinta musharaxiinta ayaa bilaabanaysa maalinta berri oo ku beegan 8-da May, waxayna socon doontaa ilaa 10-ka bishan May 2022.
Doorshada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhici doonta 15-ka basihan May, sida ay horay u shaaciyeen Guddiga doorashada.
Doorashadan waxaa u taagan in ka badan 20 musharax oo ay ku jiraan Madaxweyneyaal iyo Ra’iisul wasaareyaal hore oo doonaya in ay xilka kala wareegaan Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.