Isbaheysiga Sacuudiga ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa xabsiga ka sii daayay 163 maxbuus oo ka tirsan Xuutiyiinta Yemen.
Sii daynta maxaabiistan ayaa lagu sheegay mid la xiriira hindise banii’aadanimo oo ku salaysan is dhaafsiga maxaabiista labada dhinac si loo xoojiyo dadaallada Nabadda.
Isbaheysiga Sacuudiga ayaa sheegay in maxaabiista lagu wareejiyay hay’adda Laanqeyrta Cas oo ka shaqaynaysa kala wareejinta maxaabiista labada dhinac iska hayaan.
Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale soo dhoweeyay tallaabada uu qaaday Isbaheysiga Sacuudiga ee lagu sii daayay maxaabiista Xuutiyiinta.
PUNTLAND POST