Cabdixakiin Dhooba-daareed oo si adag uga digay shirqool uu sheegay in ay wado Somaliland

Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhooba-daareed ayaa si adag uga digay shir la sheegay in uu ka dhacayo magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

Mudane Dhooba-daareed ayaa sheegay in shirkaas uu yahay shirqool siyaasadeed oo Somaliland u dhigayso Beesha Warsangeli si ay u qabsato degaannada Gobolka Sanaag ee Beeshaas degto.

Cabdixakiin Dhoobo ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay in isagu wax ka abaabulay ama ka qayb-geli doono Shirka Ceerigaabo.

Halkaan ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST