Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wadahadlay iskaashiga warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Senator Cismaan Abokar Dubbe ayaa magaaladda Addis Ababa kula kulmay Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Itoobiya Dr Legesse Tulu, waxayna ka wadahadlay iskaashiga dhinaca warbaahinta, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee SONNA.

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Dr Legesse Tulu ayaa qiray in Soomaalida xilligaan ay aad ugu horreeyaan warbaahinta cusub ee Social Media, iyadoo Itoobiya ay aad ugu xoogan tahay warbaahinta soo jireenka ah ee Mainstream-ka loo yaqaano.

Labada wasiir ayaa inta kulankooda uu socday isla soo hadal qaaday dhibaatadda iyo fitnada wararka beenka ah Fake news ku hayaan amniga iyo dowladnimada iyo sidii la isaga kaashan lahaa in wadajir looga hortago.

Labada wasiir ayaa la sheegay in ay isla garteen in Soomaaliya iyo Itoobiya mustaqbalka dhow wada galaan heshiis warbaahinta ku saabsan.

Kulanka waxaa ku wehlinayay safiirka Itoobiya Ambassador Gen. Cabdulalahi Ahmed Jaamac Ilka-jiir iyo Xoghayaha koowaad ee Safaaraddda Cabdullaahi Cabdirisaak.

PUNTLAND POST