Sidee u fashilmay heshiiskii qashin-qubka ee dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud?

Muqdisho ( Wararka PP) — Sanadkii 2016kii waxaa soo shaacbaxay qorshe ay Dowladda  Faderaalka Soomaaliya heshiis kula saxiixan rabtay Chinook Urban Mining International, oo ah shirkad fadhigeedu yahay dalka Biritayn.  Heshiisku wuxuu ku saabsanaa in qashin dhan 1.5 milyan oo metrik ton oo laga keenay magaalooyinka Biritayn lagu qubo Soomaaliya.  Wasiirkii Deegaanka Soomaaliya xilligaas marxuum Burci Xamsa ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa qofka shirkaddu sida tooska ah ula xiriiraysay. “Markii Xafiiska Madaxweynuhu ka warhelay, waxaa dhacday in aan heshiiska la saxiixin. Burci wuu beeniyay inuu xiriir la sameeyay Chinook, wuuna beeniyay inuu doonayay fududeynta heshiis Soomaaliya laga dhigi rabay meel qashinka lagu soo qubo” ayay  2016kii qortay Kooxda Qaramada Midoobay ee Dul Kala Socoshada Soomaaliya iyo  Eritreeya.

Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay si daahfurnaan la’aan ah u adeegsatay awooddeeda si ay fursado dhaqaale oo sharci-darro ah ugu abuurto dad aad ugu dhowaa Madaxtooyada.

Shaki weyn ayaa jiray oo ku saabsan isku day dowladda federaalku samaysay si ay hanti dalka Soomaaliya leeyahay ay madaxdu u lunsadaan.  Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in uu jiray qoshe dowladdii federaalka kaddib 2012kii ku doonaysay inay ku xaddo hanti Soomaaliya leedahay. Lacag uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud raadinteeda u xilsaaray Xasan Giyaajo Camalow lacagtaas oo Soomaaliya kaga xayiran bangiyo kala duduwan. Qaar ka mid ah lacagta uu Camalow soo ogaaday, magaca dowladda federaalkana lagula soo baxay waxaa la dhigay bangi ku yaalla Turkiga. Lama sheegin in lacagta magaca dowladda lagu dhigay bangiga ama in magaca qofka soo qaaday ama soo qaadista oggolaaday.  Mid ka mid ah sharciyaqaannadii dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh u xilsaartay soo helista lacagaha Soomaaliya ka yaalla bangiyo dhowr ah ayaa ugu dambayntii lagu maxkamadeeyay inuu kaalin ku lahaa isku daygii lagu xadayay hanti Soomaaliya leedahay.  Habka dhowrista sirta oo ururka Damuljadiid caan ku ahaa ayaa suurtogaliyay in dadweynuhu ka hadli waayaan gefefka iyo awood ku adeegashada dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dadkii ku dhowaa.

Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid wuxuu dhisay Guddiga Ilaalinta Hantida Qaranka si loo joojiyo hantida dadweynaha oo ay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka iibinaysay dad gaar ah iyo ganacsato.

Guddiga Maamulka Maaliyadda ayaa aad uga walaacsan iibinta hantida dowladda. Waxaa jiray warbixinno dhowaan soo baxay ku saabsan dhul ay dadweynuhu leeyihiin oo ku yaalla Muqdisho oo dad gaar ah iyo ganacsato looga iibiyay si aan caddayn” ayay qortay Warbixintii Maamulka Maaliyadda 2017kii.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu 2017kii ku ololeelay inuu soo celin dooo hantidii dowladda oo sida sharci-darrada loo iibiyay haddii Madaxweyne loo doorto. Guddiga Maamulka Maaliyaddu wuxuu amaan u soo jeediyay Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid oo magacaabay Guddiga Ilaalinta Hantida Qaranka.

Aqoonsiga dowladdii Madaxweyne Xasan Shekeh Maxamuud heshay wuu ka weynaa kartida dowladdu u leedahay inay gaarto go’aammo waaweyn sida soo raadinta lacago Soomaaliya ka yaalla bangiyada shisheeyaha, hase ahaatee dowladda federaalku waxay xilligaas awooddeedu u adeegsatay si aan waafaqsanayn sharciga intii u dhexeysay 2013 iyo 2015tii. Waa sanadihii shirkaddii Soma Oil and Gas dowladdu heshiisku kula gashay sahaminta shidaalka badda Soomaaliya ku jira, shirkaddaas oo magaceeda beddelatay dhowaanna uu Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Axmed heshiis kheyraad-wadaag ah oo sharci-darro ah la saxiixday.

Labadii dowlad federaal oo kala dambeeyay (2012-2022) waxay siyaabo kala duwan Soomaaliya ugu nugleeyeen kooxo qowlaysato oo hantida dowladda iyo kheyraadka dabiiciga ah ee qaranka si fudud uga hantiyeysanayay isla xisaabtan la’aan jirta awgeed.  Tan way kala mid yihiin dowladdii ku meelgaarka ee Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo heshiis is afgarad la saxiixatay Kenya halisna gelisay dhul badeed Soomaaliya leedahay.

Baarlamaan (Aqal Hoose iyo Aqal Sare) oo awood-daran oo midiidin u ah fulinta (Madaxtooyada) ayaa kaalin ku leh musuqmaasuqa aan lala dagaallami karin. Haddii sharcidejintu ku tumashada sharciga ay taageerto, natiijadu waa wasiirro saxiixaya heshiisyo liddi ku ah danta qaranka ama isku dayo kala duwan oo Soomaaliya lagaga dhigayo meel lagu aaso qashinka dalalka horumaray. Halis weyn baa jirta oo ah in xildhibaannada iyo senatarradu noqdaan kuwo la mid ah nin reer Mudug ah oo yiri : “Farahayga ayaa oodkac lagu cunay.”

© Puntland Post, 2022