
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan khudbaddii uu ka jeediyay goob laysugu soo baxay oogidda Ciidul-fidriga magaaladda Bosaaso ayuu kaga hadlay xaaladda Puntland, hadalkaas waxaa loo fasirtay siyaabo kala duwan balse anigu waxaa iiga soo baxay in Madaxweyne ku xigeenku uu tilmaan iyo talo kula wadaagay dadka dhul udug.
Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu dadka xusuusiyay in Puntland ay leedahay Dastuur (heshiis bulsho) kaasoo ah midka Puntland ay ku dhisan tahay iskuna haya inta ay ka kooban tahay dad, dhul iyo dowladba, sidoo kale wuxuu madaxweyne ku xigeenku shacabka Puntland u sheegay cidina inaysan ku xadgudbi karin dastuurka.
Wuxuu Madaxweynuhu farta ku fiiqay khataraha ka dhalan kara ku xadgudubka dastuurka, wuxuu sidoo kale ku boorriyay dadka ilaalinta dowladnimadda iyo wadajirka Puntland.

Waxaa iyaduna ah arrin laga walaaco ah in 24ka sano oo ay Puntland jirto ku dhaqanka dastuurka uu gaabinayay. Tani waxay si xun u saamaysay maamul wanaagga.
Puntland waxaa ay u baahan tahay in la xaqiijiyo nadaamaka dimuqraaddiyeynta iyo maamul wanaagga, lana dhiso waxaana lagu taabbagelin karaa iyadoo la dhiso maxkamadda dastuuriga ah.
Isku soo wada duub, Puntland waa inay xoogga saarto ku dhaqanka iyo dhowrista dastuurka u dhigan Dhul Udug.
Siyaad Cali Jaamac
You must be logged in to post a comment.