Muqdisho (Wararka PP) — Bishii Abriil 21keedii wuxuu Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud u yeeray Wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Axmed si looga waraysto heshiis sharci-darro ah oo uu la galay Coastline Ltd.

Kulanka waxaa la filayay inuu dhaco 25kii Abriil 2022ka. Xeer Ilaalintu ma soo saarin war saxaafadeed ku saabsan qabsoomidda ama qabsoomid la’aanta kulanka. Shaki badan baa jira ah in Wasiirka Batroolku dhegaha ka fureystay u yeerista kaga timid xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Waxaa kale oo jira tuhun ah in Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble codsaday in waraysiga Wasiirka dib loo dhigo si dowladda cusub ee imanaysa ay ula wareegto galka baarista heshiiska sharci-darrada ah oo Ra’iisal Wasaaruhu ku gacan-sayray laakiin u oggolaaday Wasiirka inuu shaqadiisa sii wato.

Sharciga maamulka dowladda ayaa dhigaya in shaqada laga joojiyo mas’uulka xilkasnimo-darro lagu helo ka hor inta aan baaritaan rasmi ah lagu samaynin qofka xilka haya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa buriyay heshiiska sharci-darrada ah oo uu Wasiirka Batroolku sida qarsoodiga ah u galay isagoo og wareegto madaxtooyo oo reebaysay gelista heshiisyo xilliga kala-guurka.

© Puntland Post, 2022
You must be logged in to post a comment.