
Maraykanka ayaa doonayaa in dhinacyada iska soo horjeeda ee ku lug leh colaadda Itoobiya ay dhaqan geliyaan wadahadalka xabbad-joojinta iyo in adeegyadii muhiimka ahaa dib loogu soo celiyo gobolka Tigray sida ay VOA ka soo xigatay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken.
“Waxaan hadda ku boorineynaa dhinacyada inay ka faa’iideystaan fursadda lagu hormariyo wadahadallada xabbad-joojinta oo ay ku jiraan amniga iyo soo celinta adeegyada muhiimka ah ee gobolka Tigray si deg deg ah,” ayuu yiri Blinken.
Dowladda Itoobiya ayaa Khamiistii sheegtay in ciidamada Tigreega ay wali ku sugan yihiin gobolka ay dariska yihiin ee Canfarta, inkastoo afhayeen u hadlay ciidamada Tigraygu uu maalmo ka hor ku dhawaaqay ka bixitaankooda.
Afhayeenka dowlada Legesse Tulu ayaa warbaahinta dowlada u sheegay in wararka sheegaya in ciidamada Tigreega ay ka baxeen Canfarta ay tahay waxba kama jiraan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.