Koox hubaysan ayaa xalay magaalada Muqdisho ku dilay mas’uul ka tirsan Maaamulka degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir
Marxuumka dhintay oo lagu magacaabi jiray Cismaan Maxamuud Cabdi waxa la sheegay in uu ahaa Guddoomiyaha Laanta dalxiiska degmada Yaaqshid.
Kooxdii weerarka fulisay ayaa goobta isaga baxsaday ka hor inta aysan halkaas gaarin Laamaha Amniga magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaas inkastoo Al-shabaab looga bartay in ay sheegtaan dilalka ka dhaca Muqdisho.
PUNTLAND POST