In ka badan 10 askari ayaa ku dhintay qarax miino oo saq-barkii xalay lala beegsaday kolonyo uu la socday Col. Saney Cabdulle jidka u dhexeeya magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.
Sarkaalkaas lagu magacaabo Saney Cabdulle ayaa sida wararku sheegayaan ka badbaaday qaraxa inkastoo waxyeello dhimasho iyo dhaawacba ay ka soo gaartay ilaaladiisa gaarka ah.
Col. Saney ayaa ku socday magaalada Jowhar si uu kor joogto ugu noqdo doorashada kursiga HOP 141 oo ay degaan doorashadiisu tahay magaaladaasi.
Askarta geeritootay ayaa loo qaaday Jowhar, halka kuwa dhaawacmayna loo celiyay magaalada Muqdisho.
PUNTLAND POST