
Jigjiga (Wararka PP) — Dad gaaraya kun qof oo Soomaali ah ayaa caawa afurkii kaddib iskugu soo baxay Jigjiga iyagoo si adag u cambaaraynaya xasuuq xagjirka Amxaarada FANO ugu geysteen Gondar Muslimiinta Amxaarada.

Ugu yaraan 21 qof ayay burcadda FANO ku laayaan Gondar, waxayna gubeen dhowr masaajid. Isu soo baxan dhiirranaantu ka muuqato wuxuu dhabarjab weyn ku yahay FANO oo hoggaankeedu xodxodanayay madaxda sarsare ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Dowladda Itoobiya ayaa xasuuqa Gondar ka dhacay ku tilmaantay “dhacdo”.
© Puntland Post, 2022
You must be logged in to post a comment.