Ku simaha Madaxweynaha Puntland oo saaka safar ugu baxay Qardho iyo Boosaaso

Ku simaha Madaxweynaha dowladda Puntland ahna Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa saaka safar ugu baxay magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.

Mas’uuliyiinta degmada iyo shacabka magaalada Qardho ayaa ku jira u diyaar-garowgii u danbeeyay ee soo dhowaynta Madaxweyne Axmed Karaash oo lagu wado in uu goor dhow gaaro halkaas.

Mudane Axmed Karaash ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada  Qardho.

Magaalada Boosaaso ayuu sidoo kale u sii gudbi doonaa waxaana uu kulamo la yeelan doonaa mas’uuliyiinta dowladda iyo shacabka Boosaaso.

PUNTLAND POST