
Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta la dhammaystiro islamarkaana la doorto Labada Guddoomiye ku xigeen.
Ilaa 10 musharrax oo ay ku jiraan Haween ayaa u taagan Xilka Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ayaa sidoo kale waxa u sharraxan ilaa 7 Xildhibaan oo uu ku jiro Guddoomiye ku xigeenkii Labaad ee Baarlamankii 10-aad Mahad Cabdalle Cawad.
Fadhiga waxaa shir-guddoomin doona Guddoomiyaha cusub ee Xalay loo doortay Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe).
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.