Taliye Xijaar: Ma damaanad qaadi karno amniga doorashada berri ee guddoonka Golaha Shacabka

Muuqaal: Taliye Xijaar

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in uusan damaanad qaadi karin amniga doorashada berri ee guddoonka Golaha Shacabka.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya ahna guddoomiyaha amniga doorashooyinka qaranka Cabdi Xasan Xijaar oo goordhaweyd warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa tilmaamay in aan ilaa hadda Booliska Soomaaliya lagu wareejin hoolka doorashadu ka dhacayso, sidoo kale loo soo gudbin liisaska musharaxiinta, xildibaannada, shaqaalaha baarlamaanka, warbaahinta iyo dadka lagu casumay munaasabadda.

Taliye Xijaar ayaa soo jeediyay in sababo amni awgood dib loo dhigo doorashada guddoonka Golaha Shacabka iyo in la xaliyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jira baarlamaanka.

Taliyaha Booliska Soomaaliya wuxuu xusay, ATMIS in aysan qaban qarin shaqo aysan ogayn Booliska iyo Milateriga Soomaaliya oo ay hoostagaan howlgallada.

Hadalka Taliye Xijaar ayaa ku soo aaday, iyadoo saacado ka hor, Ra’iisul Wasaare Rooble ku amray ATMIS in ay si deg deg ah ula wareegaan amniga Teendhada Afisyooni, sidoo kale Madaxweyne Farmaajo sheegay in Booliska Soomaaliya mas’uul ka yahay amniga doorashada dalka.

PUNTLAND POST