Dood dheer kadib xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa isku afgartay in aysan doorashada qayb ka noqon 16-ka xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq.
257 xildhibaan ayaa ku sugan hoolka doorashada, waxaana codeyn doonin 17 ka mid ah, sida uu shaaciyay guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka.
Waxaa hoolka lagu dhaariyay labo xildhibaan oo uu ka mid yahay Yaasiin Farey oo ahaa Taliyaha KMG ah ee NISA.
Guddoomiyihii baarlamaankii 10-aad Maxamed Mursal ayaa si lama filaan ah uga haray tartanka guddoomiyaha baarlamaanka 11-aad. Waxaana hadda afhayeenka baarlamaanka u tartamaya 7 mudane oo kala ah:
- Xasan Cabdi Nuur.
- Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)
- Shariif Maxamed Cabdalla
- Saadiq Cabdullaahi Cabdi
- Aadan Maxamed Nuur Saransoor
- Cabdullaahi Aadan Axmed Black
- Cabdirashiid Maxamed Xidig
PUNTLAND POST