Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu dhowaan ku laabanayo magaalada Garoowe.
Madaxweyne Deni ayaa ku sugan magaalada Muqdisho halkaas oo uu ka wado ololihiisa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Waxaase intii uu Muqdisho jiray soo baxay khilaaf u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash oo ku dhawaaqay in uu si ku meel gaar ah ula wareegay xilka Madaxweynaha Puntland.
Lama oga Tallaabada uu qaadi doono Madaxweyne Siciid Deni kadib markii uu ku laabto magaalada Garoowe.
PUNTLAND POST