Diyaar-garowgii u danbeeyay ee Doorashada Guddoonka Aqalka sare ayaa ka socda magaalada Muqdisho.
Doorashada waxaa lagu qabanayaa Teendhada Afisyooni ee Xayndaabka xarunta Xalane halkaas oo ay ilaaliyaan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.
Qaar kamid ah Mas’uuliyiinta kala duwan ee Soomaaliya iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka ayaa goob-joog ka noqoya Doorashada oo si weyn indhaha loogu hayo.
Guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo mar kale doonaya in uu xilkaas qabto ayaa kamid ah dadka u sharraxan Guddoonka Golaha.
Dib u doorashada Cabdi Xaashi waxa riixaya Ra’iisul wasaare Rooble oo taageero ka helaya Midowga Musharrixiinta iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada qaarkood.
PUNTLAND POST