Senator Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa mar kale loo doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Sen. Cabdi Xaashi ayaa ku guulaystay wareegga kowaad ee tartanka kadib markii uu helay 28 cod.
Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo kaalinta labaad galay ayaa isna helay 24 cod.
Maadaama Cabdi Xaashi uu helay codad ka badan 50% oo lagu daray 1, oo ka mid ah 54-ka cod ee Aqalka Sare, looma baahan wareeg labaad, wuxuuna ku guuleystay wareegga koowaad.
Doorashadan ayaa lagu qabtay teendhada Afisyone ee garoonka diyaaradaha Muqdisho oo amnigeeda aad loo adkeeyey.
PUNTLAND POST