Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga digay taliyeyaasha cIidamada Booliska iyo Nabadsugidda in ay ku lug yeeshaan falal lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashada.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu uga digayaa taliyeyaasha cIidamada Booliska iyo Nabadsugidda in ay ku lug yeeshaan falalka gurracan ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashada oo heer gebogebo ah mareysa, shacabka Soomaaliyeedna waxa uu ka codsanayaa in ay isha ku hayaan dadka ka dambeeya abaabulka falalka lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada”.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Roobel wuxuu tilmaamay in uu aad uga xun yahay isku dayada is daba joogga ah ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashooyinka, ficilladaas oo uu ugu dambeeyay isku daygii maanta lagu beegsaday Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, howlwadeennada Golaha Shacabka iyo 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu xasuusiyay xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya in ay saaran tahay mas’uuliyadda ugu sarreysa dalka, isagoo ku dhiirrigelinayay in ay u miboobaan dhammeystirka doorashada dalka si looga gudbo marxaladdan adag.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.