Puntland ayaa sheegtay in la weeraray Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Axmed Dhabancad iyo xildhibaanno ka mid ah Golaha Shacabka, xili ay socotay munaasabad lagu dhaarinayay 16-ka xildhibaan ee lagu doortay doorashadii lagu muransanaa ee Ceelwaaq.
Puntland waxay tilmaantay in weerarkaas ay geysteen ciidamo ka tirsan kuwii amniga goobta sugayay, waxayna intaas ku dartay in meesha weerarku ka dhacay meel ku dhow ay ku shirayeen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Danjiraha Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster.
Afhayeenka Xukuumadda Puntland Jaamac Debaraani ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku yiri “Waxaan Cambaareynaynaa weerarkii lagu qaaday Guddoomiyaha ku meel gaarka ah iyo xildhibaano ka mid ah Golaha Shacabka JFS, xili ay socotay munaasabadd dhaarin xildhibaan iyo kulan afureed. Waxaa meel u dhow halkaasi ku shirayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Danjiraha Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster”.
“Waa nasiib daro weyn in Ciidamadii sugi lahaa amniga dalka iyo dadka in loo adeegsaday dano gaar ah iyo mid siyaasadeed oo lagu khalkhal gelinayo amniga dalka iyo doorashada” ayuu ku daray qoraalka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.