Madaxweyne Deni oo kulamo ka wada magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Wararku waxay sheegayaan in Kulanka labada  Madaxweyne looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka iyo Xaaladda guud ee dalka.

Madaxweyne Deni, ayaa sidoo kale xalay kulan la qaatay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah Golaha Shacabka JFS Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan (Dhabanacad).

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Guddoomiye Dhabancad iyo dhammaan Golaha Shacabka JFS shaqada baaxada leh ee hortaalla.

PUNTLAND POST