Qoraal ka soo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa lagu sheegay in bandow socon doona mudda dhawr cisha ah lagu soo rogay xarunta Xalane iyo guud ahaan garoonka diyaaradaha Aadan magaalada Muqdisho.
Qoraal ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 25 ilaa 28 bishan April aynu ku jirno ay xaalad bandow ah ku soo rogeen xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.
Bandowgan ayaa saameyn doona dhammaan goobaha ay degan yihiin ATMIS, xarumaha UN-ka iyo dhammaan safaardaha degan gudaha garoonka dayuuradaha.
Bandowgan ay ATMIS ku dhawaaqday ayaa waxaa ay ku soo beegantay qabashada doorashada Guddoonka golaha shacabka oo la qorsheeyay in ay ka dhacdo teendhada Afisyooni.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.