Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sharci darro ku tilmaamay wareegtooyin uu maanta soo saaray Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Axmed Karaash.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in aysan dhaqangal ahayn wareegto kasta oo uu soo saaro Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, haddii isagu (Madaxweynaha) ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Waxaan halkaan ku caddeynayaa in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland aniga oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya”.
“Waxaan farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda in qofkastaa shaqadiisa qabsado, aanna loo hogaansamin wareegto kasta oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Qawaaniinta kale ee Dowladda Puntland sida ku cad qodobka 138-aad, farqaddiisa 2-aad ee Dastuurka Puntland” ayuu ku daray qoraalka.
Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa maanta soo saaray saddex wareegto oo uu ku kala magacaabay guddoomiyaha gobolka Mudug, 18 Agaasime Waaxeed iyo guddoomiyaha degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.