Axmed Karaash oo magacaabis sameeyay

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug u magacaabay Faysal Shiikh Cali Maxamed.

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Axmed Karaasha ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ku yiri “Waxaan Guddoomiyaha gobolka Mudug u Magacaabay Mudane Faysal Shiikh Cali Maxamed”.

Magacaabista Axmed Karaash ayaa lagu baahin warbaahinta madaxtooyada, waxayna ku soo aaday xili uu jiro khilaaf u dhexeeya Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-geenka Puntland.

PUNTLAND POST