Doorashada Kursi kamid ah Golaha Shacabka oo maanta lagu qabanayo magaalada Jowhar

Kursi kamid ah Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto magaalada Jowhar ee Hirshabeelle.

Kursigaas oo tirsigiisu yahay Hop#009 waxa kur tartami doona Cabdisataar Cabdisalaan Sheikh Xasan Barsane iyo Cali Xasan Ibraahim.

Cabdisataar Cabdisalaan Sheikh Xasan Barsane oo horay kursiga Hop#009 u fadhiyay ayaa loo badinayaa in uu mar kale ku guulaysto.

Sidoo kale Kuraas kooban oo uu ku jiro kursigii ay ka geeriyootay xil Aamina Maxamed Cabdi ayaa weli ku harsan Hirshabeelle.

PUNTLAND POST