Axmed Karaash oo lagu wado in uu maanta Shir gaar ah la yeesho Maamulka iyo Shaqaalaha PLTV

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa lagu wadaa in uu maanta shir gaar ah la yeesho Agaasimaha iyo Shaqaalaha Telefishinka dowladda PLTV.

Qoraal maalmo ka hor uu soo saaray Madaxweyne ku xigeen Axmed Karaash ayuu ku sheegay in uu si ku meel gaar ah ula wareegay xilka Madaxweynaha Puntland.

Balse Qoraalkaas laguma baahin Telefishinka dowladda ee PLTV iyo Bogga Rasmiga ah ee Madaxtooyada Puntland.

17-kii May 2020 ayaa sidaan oo kale Telefishinka Puntland laga saaray qoraal tacsi ah oo Axmed Karaash ka diray dilkii Guddoomiyihii Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuuryare.

Xilliggaas waxa taagnaa khilaaf u dhexeeyay Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash oo markii danbe la xalliyay.

PUNTLAND POST