Xildhibaanada labada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta sabti ah kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho ayaa waxay dhegeysanayaan hadal jeedinta musharaxiinta guddoonka labada aqal
Guddiga doorashada guddoonka golaha Shacabka ayaa shalay oo jimco ahayd ku dhawaaqay in la soo xeray diiwaan galinta musharaxiinta u tartameysa xilka guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddiga ayaa sheegay in maanta oo sabti ah taariikhduna ay ku beegan tahay 23-4-2022, hadalka jeedinta doonaan musharaxiinta u tartameysa xilka guddoonka labada aqal halka beri oo axad ah ay ku xigi doonaan musharaxiinta u taagan gudddoomiye ku-xigeenada.
PUNTLAND POST