Xukuumadda Puntland ayaa sida ay sheegtay guddi baaritaan u saarraysa dhacdadii khasaaraha sababtay ee xalay ka dhacday Gaalkacyo.
Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa lagu sheegay in guddi baaritaan loo magacaabayo xaqiiqa raadinta dhacdadaas.
“Waxaan u magacabayaa Guddi ka hawlgasha baarista iyo u kuurgalidda shaqaaqadaas” ayaa lagu yiri qoraalka.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata falka dhacay.
“Baaris ka dib, cid kasta oo falkaas ku lugyeelata waxaa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan”
PUNTLAND POST