Urur Siyaasadeedka Mideeye oo taageeray Go’aankii Axmed Karaash

Urur Siyaasadeedka Mideeye ayaa taageeray Qoraalkii xalay ka soo baxay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash kaas oo uu ku sheegay in uu si ku meel gaar ah ula wareegay Xilka Madaxtinimada Puntland.

Bayaan kooban oo uu soo saaray Urur Siyaasadeedka Mideeye oo xiganaya Qodoba Dastuuriya ayaa lagu soo dhoweeyay in Madaxweyne ku xigeenku si ku meel gaar ah u qabto Xilka Madaxweynaha Puntland.

Mideeye ayaa ugu baaqay Hay’adaha kala duwan ee dowladda Puntland in la dhawro ku dhaqanka Dastuurka Puntland si loo ilaaliyo Bed-qabka Hannaanka dowladnimo ee dalka.

PUNTLAND POST