Ruushka oo tijaabiyey gantaal cusub oo xambaari kara Hubka Nukliyeerka

Saraakiisha Milateriga dowladda Ruushka ayaa laga soo xigtay in ay markii u horraysay tijaabiyeen gantaal cusub oo qaaradaha isaga kala gudba.

 Hubkaas ayaa Ruushku ku sheegay in uu ka dhigi doono wadamada reer Galbeedku kuwa si qoto dheer u fikiraan ka hor inta aysan qaadin damacyo gardarro ah oo ka dhan ah Ruushka.

Tijaabada gantaalka Sarmat ayaa ku soo beegantay iyadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhaxaysa Moscow iyo wadamada reer galbeedka ee ku aaddan duulaanka Ruushka ee dalka Ukraine.

Sarmat waa gantaal culus oo hawshiisu ay soo socotay dhawrkii sano ee u dambeeyey wuxuuna ka mid yahay gantaallada xambaara hubka nukliyeerka ee sida fudud isaga kala gudbi kara qaaradaha.

PUNTLAND POST