Maxkamadda sare ee Soomaaliya oo diiday dacwadda Kursiga Fahad Yaasiin

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa diiday qaadista dacwadda Fahad Yaasiin, iyadoo sabab uga dhigtay in aanay Maxkamadda Sare awood u lahayn ka garnaqida cabashooyinka ka dhasha go’aannada maamul ee doorashada dadban ee Barlamaanka 11-aad.

Maxkamadda ayaa shalay si horudhac ah u dhageysatay doodaha qareenada Fahad Yaasiin iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud ee dowladda oo matalayey guddiga doorashada Heer Federaal.

Go’aanka Maxkamadda ayaa lagu sheegay in ay aqbashay hor-is-taagga Xafiiska Garyaqaanka Guud ee dowladda oo metalaya guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal ee ah in aanay Maxkamadda Sare awood u lahayn ka-garnaqidda cabashooyinka la xiriira doorashada dadban ee Baarlamaanka 11 aad.

Go’aankan ayaa waxaa gaaray Guddoomiyaha Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed, iyo garsooreyaasha kala ah Cabdulcasiis Maxamed Yuusuf, iyo Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

Halkaan ka akhriso Go’aanka Maxkamadda

PUNTLAND POST