
Waxaan akhriyay faallo uu af Ingiriisi ku qoray Maxamuud Culusow, (Separation of Powers Between Somali Parliament, President, and Executive) kagana hadlayo go’aanka Maxkamadda Sare iyo kala soocidda awoodaha fulinta iyo sharcidejinta.
Go’aanka Maxkamadda Sare ku diidday inay dhegeysato dacwada uu Xildhibaan Fahad Yaasiin soo gudbiyay waa go’aan tixgaliyay qaabka Soomaalidu doorashada dadban ugu dareertay oo ah heshiis dhexmaray siyaasiyiinta (saamileyda siyaasadeed).
Dhowr maalmood ka hor Culusow wuxuu sharciyaqaannada ku boorrinayay ka hortagga wax uu u arkayay janjeerka Maxkamadda Sare, oo uu ula jeedo inay aad ugu dhowdahay fulinta.
Dulucda doodda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoorayaashu waa: dacwada Xildhibaan Fahad Yaasiin waxay u baahan tahay xal siyaasadeed. Intaas in la gartay ayaa guul ah waayo garsoorka Soomaaliya ma wada dhisna. Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Axmed oo saxiixay heshiis sharcidarro ah, dalka oo kala-guur ku jira, ayaa weli xilka haya; Muqdisho weli raadkii boobka iyo barakicintii dagaalladii sokeeye wax lagama qaban waayo siyaasiyiinta Soomaaliyeed badankood, gaar ahaan kuwa beelaha hubeysan, ayaa dan u arka in Soomaalidu kala sii irdhaysnaato. Ereyga “kala soocidda awoodaha” waa himilo Soomaalidu gaari doonto laakiin ma aha run siyaasadeed oo hadda Soomaaliya ka jirta.
Maxkamadda Sare waxay dul istaagtay kaalinta sharcidejiyayaasha (Xildhibaannada iyo Senatarrada) waayo sharciyada ay dejiyaan iyo heshiisyada ay ansixiyaan ayuu dalku ku dhaqmaa. Iyaga ayaa sharci beddela, mid cusubna sameeya.
Soomaaliya waxay leedahay awoodo isku dhex yaacsan; ma laha awoodo kala soocan. Kuwa heshiisyada sharcidarrada saxiixay waqtiyo kala duwan ayaa lala xisaabtami kari lahaa haddii awooduhu kala soocnaan lahaayeen.
Siyaad Cali Jaamac
You must be logged in to post a comment.