Fashil ku yimid doorashadii laga qaban lahaa degmada Eyl ee Gobolka Nugaal

Waxaa gebi ahaanba fashil ku dhammaaday dadaallo lagu doonayay xallinta khilaafkii ka dhashay doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Eyl.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland oo maalmahan ku sugnaa degmada Eyl si ay u xalliyaan dhinacyada ku muransan doorashada ayaa isaga soo tegay halkaas.

Golaha degaanka cusub ee degmada Eyl oo lagu soo doortay doorasho qof iyo cod 25 October 2021 ayaa ku kala jabay khilaafka taas oo fashilisay doorashadii la rabay in Eyl laga qabto.

Sidoo kale golaha degaanka ayaa u kala qayb-san laba musharrax oo isu soo taagay xilka guddoomiyaha degmada Eyl kuwaas oo labaduba ka socda urur siyaasadeedka Kaah.

PUNTLAND POST